Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow u ambabaxay dalka Kenya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta beri oo talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa ku sii qulqulaya madax ka socota caalamka kuwaasoo ka qeybgalaya  xaflada caleema saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii labaad loo dhaarinayo madaxtinimada dalka Kenya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.