Madaxwaynaha Somalia iyo Raiisulwasaaraha Isreal oo ka wada qayb galaya Caleemasaarka Uhuru Kenyatta.

0

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya ayaa shaacisay inay 11 Hoggaamiye Dowladeed ka soo qeyb geli doonaan Munaasabadaasi oo berrito lagu qaban doono Xarunta Ciyaaraha  Moi(Moi International Sports Centre) ee Xaafadda Kasaraani ee magaalladda Nairobi.

Madaxweynayaasha lagu casuumay Xafladaasi ayaa ka kala imaanayo dalalka Somalia, Uganda, Djibouti, Tanzania, Rwanda, Botswana, Zambia, Namibia, iyo Togo .

Madaxweyne-ku-xigeenadda dalalka Nigeria, Gini, Kongada Dimuqraadiga, Angola, Burundi iyo Yemen ayaa ka mid ah Madaxda lagu casuumay Munaasbadaasi.

Sidoo kale, Ra’isul-wasaarayaasha Ethiopia, iyo Yuhuudda (Isreal)  ayaa la shaaciyey inay ka soo qeyb geli doonaan Caleema-saarka Uhuru Kenyatta. Waana markii ugu horaysay ee Madaxda Somalia iyo Yuhuudda ay ka soo wada qayb galaan Munaasibad, marka laga reebo Shirarka Guud ee Qaramadda Midoobay, iyadoona Somalia ay xubin ka tahay Jaamacadda Carabta oo aan cilaaqaad la lahayn Yuhuudda.

Ma jiro Kulan toos ah oo la qorsheeyay inuu dhex maro Madaxwaynaha Somalia iyo Raiisul Wasaaraha Isreal, waxayse ka wada qayb gali doonaan Caleema Saarka Madaxwaynaha Kenya.

Waa markii Labaad ee  Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ku-xigeenkiisa, William Ruto loo caleemo-saaro Xilkaasi, iyadoo Maxkamadda Sare ee dalkaasi ay bishan November 20-dii ansixisay inuu Uhuru ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee Ku-celiska ahayd oo la qabtay bishii October 26-da.

Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Isbahaysiga NASA, Raila Odinga ayaa qaadacay Doorashada Ku-celiska, wuxuuna mucaaraday Natiijadda Doorashadaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.