Jeneraal Tareedisho”Al-Shabaab Ka Soo Qaxay Duqeymaha Mareykanka Ayaa Soo Gaaray Gobolada Dhexe”

0

Taliyaha guutada 52 aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed General Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo baxsad ah ay soo galeen deegaano ka mid ah gobolada dhexe.

Generalka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-shabaab ay ka soo baxsadeen duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ka geysanayaan qaar kamid ah gobolada Koofureed ee dalka.

“Waxa ay ka soo baxsadeen duqeymaha koofurta Soomaaliya, waxayna ku soo jeedaan Galgaduud iyo Mudug, umana ogolaanayno inay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan deegaanada ay qaxa ku yimaadeen.”ayuu yiri Taliyaha guutada 52aad General  Axmed Maxamed Tredishe.

Taliyaha guutada 52aad ayaa intaasi ku sii daray in qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab ay u gudbeen maamul goboleedka Puntland gaar ahaan buuraha Galgala.

“Qaar ka mid ah madaxdooda waxa ay mareen degmada Ceeldheer iyo Xaradheere, iyagoo u gudbay buuraha Galgala.”

General Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen qaar ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab, uuna rajeynayo in kuwo kale ay isa soo dhiibaan.

Warkan ka soo yeeray taliyaha guutada 52aad ee qeybta 21aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii la sheegay in gaadiid dagaal oo ay wataan qaar kamid ah dagaalyahanada ururka Al-Shabaab ay gaareen deegaano kamid ah degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.