Alshabaab Hubaysan oo Caawa Weeraray Saldhig Ciidan oo Muqdisho ku yaala.

0

Maleeshiyaad Hubaysan oo ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa Caawa weerar toos ah ka gaystay Saldhig ay Ciidamadda Nabadsugidda Somalia ku leeyihiin Agagaarka Isbitaalka SOS ee Degmadda Huriwaa.

Weerarkan oo ku billowday Baasuukayaal iyo Bam Gacmeedyo ayaa kadib isku badalay Dagaal toos ah oo dhex maray Ciidanka NISA iyo Maleeshiyaadka Alshabaab. Waxaana iska hor imaadkaasi uu socday Qadar Dhan 30 Daqiiqo.

HornAfrik waxay isku dayday inay xiriiro la samayso Saraakiisha NISA, balse ma suuragalin. Waxaana hadda gaaray Isgoyska SOS ee Huriwaa iyo Yaaqshiid kala bara Ciidamo farabadan oo ka tirsan Nabadsugidda, Waxaana la maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay ridayaan Ciidanku.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.