Al-Shabaab Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Hayaan Mid Ka Mid Ah Diyaradaha Dronis-Ka Mareykanka

0

Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in ay Gacanta ku hayaan mid ka mid ah Diyaarada aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Dronis-ka

Waxa ay sheegeen in Diyaradaan oo ah Nooca wax basaasa ay ka qabteen Buuraha Calmadoow  ee duleedka Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay hadda Gacanta ku hayaan burburka Diyaarada oo ku sheegeen in ay leedahay dowladda Mareykanka wallow ilaa iyo hadda aan loo heyn waxyaabo cadeyn ah.

Weli dowladda Mareykan kama jawaabin hadalka ka soo baxay Al-Shabaab ee ku aadan in ay Gacanta ku hayaan mid ka mid ah Diyaaradaha wax basaasa ee dowldda Mareykanka.

Si kastaba todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka waxa ay duqeymo ka geysteen deegaano ka tirsan Bartamaha iyo koonfurta Soomaliya gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.