Xaaf iyo Ku Xigeenkiisii oo Markii ugu horaysay Shir ka wada qaybgalaya.

0

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka duulay Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wefdiga ayaa waxaa qeyb ka ah  ku xigeenkiisa xildhibaano Iyo Wasiiro, waxa ayna  dalka Jabuuti uga  qayb gali doonaan shirka dib u Heshiisiinta Maamulka Galmudug Iyo Ahlusuna oo maalinta Beri ah ka furmi doona dalkaasi jabuuti.

Dhanka kale Waxaa la filaya in Garoonka Aadan-Cadde ay ka duulaan wefdi ka socda Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca, kuwaas oo iyana wadahadalada ka qeybgeli doona.

Dhawaan Masuuliyiinta labada dhinac ayaa waxa ay ku kulmeen dalka Kenya,waxana shirkaan uu noqonayaa wajiga labaad ee wadahadalada oo uu dhex dhexaadinayo Urur Goboleedka IGAD.

Madaxwayne Xaaf iyo Ku Xigeenkiisa oo Khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyay ayaa hadda waxaa muuqanaysa in la dhameeyay Khilaafkoodii, Waxaana ka qayb galkooda wada xaajoodka Ahlu Sunna iyagoo wada jira ay muujinaysaa inuu dhamaaday kala qaybsanaantii Galmudug.

Xildhibaano kala taabacsan Xaaf iyo Ku Xigeenkiisa ayaa h0ray si gooni gooni ah u sheegtay inay Xilalkii ka qaadeen Madaxwaynaha Galmudug, Ku Xigeenkiisa, iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.