Maxamed Mursal Sheekh Oo Loo Magacaabay Wasiirka Gashaandhigga iyo Wasiir kale oo la Eryay.

0

Xildhibaan Danjire Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan loo magacaabay  in uu noqdo wasiirka gashaandhigga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa horay waxaa uu November 2016-kii uga mid noqday Xildhibaan Beesha Luwaay ee golaha shacabka  federaalka ah, waxaa uu xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka ahaa wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa 2011-kii loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Turkiga, jagadaasi uu hayey wax ka badan 5 sano.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ee Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Cabdullaahi ayaa is casilay October 12, 2017-kii, 2 maalmood ka hor qaraxii Zoobe.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Xasan Khayre ayaan xilka ka qaaday Wasiirka Diinta & Awqaafta Mudane Iiman Cabdullahi Cali waxaana sii heynaya Wasiiru Dowlaha Mudane Cabdihakim Xassan Ibrahim Ashkir.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.