Laba Askari Oo Lagu Dilay Muqdisho Kadib Weerar Lagu Qaaday Koontorool Ay Ku Sugnaayeen

0

Faah faahino dheeraad ayaa ah ayaa ka soo baxaya dagaal meel aan ka fogeyn Isgoyska Sanca qeybta degmad Yaaqshiid ku dhex maray Ciidamo ka Wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamo kale ay soo weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta oo ku guda jira howlahooda Baarista, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal khasaaro geystay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa HornAfrik u sheegay in Ciidamadii weerarka soo qaaday ay dileen laba Askari oo ku sugnaa Barta Koontorool, iyaga oo qaatay hubkii ay wateen.

Xiriir ayaan la sameynay Maamulka degmada Yaaqshiid si aan wax uga weeydiino dagaalkaas, balse kama jawaabin taleefoonadeena.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.