Xog: HornAfrik oo Heshay Liiska Xildhibaano Gunno Gaar ah ka qaata Xukuumadda Khayre si ay ugu difaacaan Sax iyo Qalad.

0

Warbaahinta HornAfrik ayaa heshay nuqul liis ay ku qoranyihiin Xildhibaanadda iska diiwan geliye Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu Gudoomiyaha ka noqon doono Xasan Cali Kheyre.

Xubnaha Xisbiga ayaa loo Kala saaray sedex qaybood:-Taageerayaal Buuxa TB, Taageerayaan meel Dhexe ah TMDH, iyo Taageerayaal T.

Xubnaha ayaa loo kala saaray kuwo qadiyad (Qabiil) ah ku taageersan Xisbiga, kuwo dan shakhsi ah iyo kuwo daacad ka ah taageerada.

Qaar ka mida Xildhibaanadan ayaa HornAfrik u sheegay inay Dano u gaar u galeen Xisbigan uu hogaamiyo Khayre. wayna yar tahay Xubnaha isaga diiwaan giliyey Xisbiga si daacadnimo ah.

Xisbigan oo markiisii hore gacanta ku hayey Fahad Yaasiin ayaa  haatan loo soo wareejjyey Xafiiska Xasan Kheyre.

Inta badan Xildhibaanada is diiwaan geliyey ayaa loo balan qaaday gunno joogta ah, qandaraasyo, xilal iyo In ay kursigooda ku soo noqon doonaan 2020.

Xasan Kheyre ayaa u muuqda nin ku mashquulsan hawlaha dhismaha Xisbiga, kana mashquulay hawlihii Xukuumada.

Xildhibaan ka mid ah kuwo liiska ku daabacan ee aan la hadalnay ayaa sheegay in Xafiiska Raysalwasaare Kheyre uu noqday xarun ay doorasho ka socoto oo kale.

Liiska 1
Liiska 1
Liis 2
Liis 2
Liis 3
Liis 3

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.