Akhriso Saraakiisha ugu cad cad in loo magacaabo Taliyaha Nabadsugidda Somalia.

0

Taliska Nabadsugidda oo aan Taliye lahayn tan iyo markii Shaqadda laga eryay Taliyihii hore ee Hay’adaasi, C/laahi Sanbaloolshe oo lagu eedeeyay inuu wax ka qaban waayay Amniga Dalka ayaa hadda la filayaa in loo magacaabo Taliye Cusub.

Madaxwaynaha iyo Raiisulwasaaraha oo la tashiyo badan ka sameeyay cidda ay ka dhigayaan Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu dambayn isla gartay Beesha uu ka imaanayo Qofka qabanaya Xilkaasi.

HornAfrik waxay ogaatay in Beesha Abgaal la isla gartay inuu ka yimaado Sarkaalka hogaaminaya Sirdoonka Somalia, Waxaana loo gudbiyay Beesha inay soo gudbiso Saraakiisha ugu muhiimsan ee ay is leeyihiin waxay ka soo bixi karaan Shaqadan, Waxaana la gudbiyay Saraakiil badan oo Beeshaasi ka soo jeeda si ay u kala xulato Dowladda Somalia.

Saraakiisha la gudbiyay oo ay ka mid ahaayeen Aadan Dheere, C/raxmaan Tuuryare, Xasan Muungaab, Xasan Shuute, Ismaaciil, iyo kuwo kale oo badan ayaa loo xilsaaray Guddi gaar ah inay soo kala xulaan, Waxaana ugu dambayntii laga soo dhex saaray Aadan Dheere iyo Xasan Shuute.

Aadan Dheere

Aadan Dheere
Aadan Dheere

Aadan Dheere Waxbarasho ahaan waxa uu haystaa Shahaadada Labaad ee Jaamacadda oo ah Master Degree, Waxa uuna soo qabtay Xilal ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Degmadda Dharkeenleey, kadibna waxa uu ku biiray Nabadsugidda Somalia oo ka soo qabtay Xilal kala duwan oo Hogaan, Isagoona ugu dambayn hadda ah Taliyaha Hogaanka Howlgaladda Nabadsugidda Somalia.

Aadan waxa uu masuul ka ahaa Burburinta Shabakado badan oo Argagixiso, kuwaasoo dhibaato ka gaysan jiray Muqdisho, Waxaana uu ahaa Sarkaal intii uu Howlgaladda Madaxda ka ahaa dhabar jabiyay Kooxda Alshabaab, isla markaana masuul ka ahaa Istaraatiijiyad lagu hor istaagay isku dayo dhowr ah oo ay ku doonayeen Kooxdu inay qal qal ku galiyaan Amniga Caasimadda.

Xasan Shuute

Shuute waa Gaashaanle Sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga, waxa uu Xilal kala duwan ka soo qabtay Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Somalia, isagoona hadda ah Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Ciidamadda Qalabka Sidda Somalia.

Col Xasan Cali Nuur Shuute waxaa lagu xasuustaa Cadaalad iyo Hufnaan Garsoor, Waana Shaqsi inta badan Noloshiisa galiyay Garsoorka Ciidanka, isagoona suuragaliyay Alshabaab inaysan ka baxsan Cadaaladda.

Col Shuute ka sakoow Ciidanimadda waa Aqoon yahan bartay Cilmiga Sharciga, isagoona kadib waxbarashadiisa tusaale u noqday in Dhalinyaradda wax baratay ay ku biiraan Ciidamadda, halka ay raadin lahaayeen Shaqooyin Xafiis oo aysan dhib badan is arkayn, Waxaana lagu tilmaami karaa inuu yahay Aqoonyahankii billaabay in isagoo haysta Shahaado Jaamcadeed uu meel hoose ka billaabo howlaha Ciidamadda, illaa ugu dambayn uu gaaray inuu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Darajadeeda 1aad.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.