Gudoomiyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo Balad weyne Gaaray.

0

Gudoomiyayaasha Baarlamaanadda Somalia iyo Jabuuti ayaa gaaray Magaaladda Baladwayne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka Ugaas Khaliif oo caga dhigatay Diyaaradda wafdiga, waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle, Wasiiradii Hir-Shabeelle, Xildhibaano, Maamulka Gobolka, kan degmada, Saraakiisha Ciidamada Jabuuti, kuwa Dowladda, Odoyaasha Dhaqanka iyo qeybaha bulshada oo loo diyaariyey Soo dhaweynta Wafdiga.

Amniga guud ee Hiiraan ayaa maanta aad loo adkeeyay, Waxayna Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay baaritaano ka sameeeyeen Wadooyinka loogu tala galay in ay Maraan Labada Gudoomiye Baarlamaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud  ayaa warbixino ka dhageysan doono Saraakiisha Ciidamada Jabuuti iyo Safiirkooda Soomaaliya oo ku saabsan hab dhaqanka Ciidankooda.

Sidoo kalane qeybaha Bulshada iyo Maamulka Gobolka waxa uu ka dhageysanayaa Sida ay ula dhaqmaan Ciidamada ka socda dalkiisa ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Af-hayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawari ayaa Dhankiisa La hadli doono Ciidamada Jabuuti ee “Hiil Walaal” si uu kala hadlo Howlgalada ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.