Duqeyn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Gobolka Jubbada Hoose

0

Duqeyntaan ayaa xalay Saqdii dhexe waxa ay ka dhacday Galbeedka Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan halka lagu Magacaabo laanta Boori oo ku taalla Nawaaxiga deegaanka hoosingoow,waxana lala beegsaday Saldhig ay Ciidamada Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka hoosingoow ayaa waxa ay sheegeen in ka hor inta asyan dhicin duqeynta ay arkeen Diyaarado jog hoose ku socda oo dulmarayay deegaanka Hoosingow ee Gobolkaasi Jubabda Hoose.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas ayaa hadana Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntaas lala helay Saldhigii ugu weeynaa Al-Shabaab ee deegaanka laanta Booni.

Duqeyntaan xalay ka dhacday Galbeedka Hoosingow aya ku soo aadeysa xili habeenimadii Khamiista ee la soo dhaafay ay Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen Saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degmada dhoobley ee isla gobolka Jubbada hoose.

Si kastaba Al-Shabaab weli kama hadlin duqeyntaas oo an weli la shacin cida ka dambeysa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.