Beesha Dududble oo diiday inay aasaan Maydka Xildhibaan looga Dilay Muqdisho.

0

Wararka Muqdisho ka imaanaya waxey sheegayaan inaan weli la aasin xildhibaan Madoobe Cabdi Guuleed oo ay Arbacadii Muqdisho ku dileen ilaalo la socotay Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo Baarlamanka Somalia ka tirsan.

Xildhibaanada iyo odayaasha marxuumka ayaa isku raacay inaan la aasin inta uu xildhibaan Abuukate ku doodayo in xildhibaanka la dilay uu bistoolad la soo baxay kadibna sidaas lagu dilay, beesha marxuumka ayaa ku dooday in aaney aqbali karin in meydkooda eed la sii dabo dhigo, wada hadaladdo labadda reer dhex maray maanta ayaa lagu kala tagay, iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Sidoo kale xildhibaan Abuukate iyo mid ka mid xildhibaanada Dowladda dhexe u matala beesha marxuumka ayaa la sheegay iney isku fahmi waayeen qaabka arinta loo wajahaayo, taas oo kiiska sii adkeysay.

Waxaa jirta madal kale oo maanta loo balamay oo siyaasiyiin kale ay wadaan, kuwaas oo raba iney ka taliyaan qaabkii meydka lagu aasi lahaa, loona wada hadli lahaa.

Xildhibaan Madoobe wuxuu sidoo kale ahaa gaashaanle dhexe oo ka tirsan ciidanka booliska Somalia.

Xildhibaan Abuukate wuxuu ka tirsan yahay xildhibaanada dhaliilsan Dowladda madaxweyne Farmaajo, wuxuuna wajahaya culeys badan, madaama ay kiiska dilka ah fuliyeen ilaaladiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.