Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Muqdisho

0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mohamed Ali Houmed ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaanada labada Gole iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha, waxaana loo soo galbiyay Xarunta Villa Hargeysa ee Hoyga Guddoonka Golaha Shacabka.

Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa la kulmi doona Madaxda dowladda, sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mohamed Ali Houmed ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo kulan Xildhibaanada Golaha shacabka ee maalinta Sabtida, isagoo khudbad u jeedin doona.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Jabuuti ku yimaado Muqdisho, waxaa horay Muqdisho u yimid, dhowr cisho ku hoyday Guddoomiyihii geeriyooday ee Baarlamaanka Jabuuti Idris Arnaod Cali.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.