Codkar-nimo, Aragti-fogaan iyo Hoggaan-wanaag

0

Dhowrsano ka hor ayaan booqasho ku tegay deegaan miyi ah oo uu ku noolaa walaalkeey Cabdi Xaashi Dhoorre, wuxuu halkaas ku dhaqdaa xoolaha nuucyadooda kala duwan sida, Geela, lo,da, ariga iyo waliba fardaha oo iyagu muunad iyo heybad gooni ah uleh dadka deegaanka xilliyada xafladaha iyo munaasabadaha khaaska ah sida aroosyada iyo soo dhaweynta dad maqaam sare bulshada ka jooga.

Xilligaa waxaa lagu jiray roob iyo barwaaqo, maalin maalmaha ka mid ah ayaan geeliisa ku arkay rati markasta guuxaya oo aad ka maqleysid dhawaq aad u xoogan, waxaan walaalkey weydiiyay war muxuu sameynayaa ratigani? Wuxuu iigu jawaabay ratigu wuu doobinayaa laakiin waa doobbo goray, wuxuuna iiraaciyay ratigu sida caadiga ah wuxuu muunad kuleeyahay inuusan doobo goray aheyn oo markuu geela ku dhex jiro uu codkiisa bannaanka keeni karo, anigana waxaan dhahay haaa waan fahmay ratigani maahan aftahan codkarnimadiisa lagu qancay oo quruxda doobadiisa ku qancin kara geela uu baarqabka uyahay iyo dadka deegaanka ee uu walaalkey ugu faani lahaa inuu heysto rati baxsan, sidoo kale waxaan fahmay muhiimadda aftahanimadu uleedahay dadka iyo xoolahaba si loo helo isla dhacsanaan iyo qanaaco fiiican.

Maalin kale ayaanu isku raacnay ceel ama tuulo markaasi inoo dhaweyd waa deegaanka Habar-cirir, waxaa markaasi nala socda dad kale oo aan isku sii lug darsanay, waxaa meesha la iskugu keenay Owr dhowr ah oo la doonayay in la isku daba xariiriyo (tixo), waxaa laga dooday keen ugu hormarinaa? iyo midkee xarig goys ah oo jimbo leh? iyo midkee baxdooy ah? Aniga waxaan la yaabanahay sababta ay ugu kala muhiim ugu tahay inay wax iska weydiiyaan nuucyadan, waxaan cabdi weydiiyay inuu iisheego waxa meesha ka socda, wuxuu igu yiri ratiga baxdooyga ah ee socodka badan waa hoggaamiye aamin ah si dhaqsi ahna ku gaaraya halkii loo socday, waana kaas midka ay tahay in Owrta loogu hormariyo marka la isku xariirinayo si waqtiga loogu xisaabtamo si habsami lehna ujeedka loogu gaaro, waxaan weydiiyay maxaad ula jeeddaan midka jimbaha leh ? wuxuu yiri ratiga jimbaha leh waa midka siduu usocdo halmar istaaga oo bareeg qabta kadibna ratigii ka horeeyay oo xarigu ugu xirnaa ayuu seynta ka gooyaaa marka asaga camal waa loo hormariyaa ama qof caadi ah ayaa hogaamiya.!!

Waxaan ka dhaxlay arrin cajiib ah taasoo ah in xitaa xoolaha loo xulo hoggaan dhinac kasta ka hufan halka kuwa aan kooxda si fiican ula jaanqaadi ama kooxdii oo wada socota lugooyo iyo dhibaato ukeenaya ay tahay in laga fiirsado marka horeba oo cilladooda ay tahay mid lagula tacaamulo lagana fiirsado markasta. Waaa muhiim in baxdooy yoolkiisu cadyahay wax hogaamiyo midka aan kooxda la socon karina si gooni ah loola tacaamulo oo wixii looga fursan waayo loo adeegsado.

Maalin kale ayaan israacnay walaalkey Cabdi, wuxuu doonayay inuu xariga ka furo rati dabran (lugaha ka xiran) wuxuu igu yiri ratigani waa hebed (baarri) laakiin si kale ayuu dhowrati uyahay (waa feejiganyahay), waxaan ku iri ma fahmin hadalkaaga waxaad ula jeedid waa dhowrati oo waa mid feejigan, wuxuu yiri waaa mid aragti fog oo qataraha kusoo fool leh ayuu markasta taxadar dheer ka muujiyaa wuuna la tacaamulaaa markii xariga laga furayo waa inaan la muujin dareen dagaal ah iyo colaad, wuxuu sii raaciyay inta badan geela ayuu ka difaacaa wixii halis ah ama dugaag ah ee uu dareemo inay kusoo fool leeyihiin, Halkaas markeey arrintu mareyso waxaan ka helay cilmi iyo aragti kale oo muhiim ah, waxaan fahmay in ay fiicantahay in aragti fog loo lahaado wax kasta oo taxadar lagu jiro haddana ay fiicantahay xaalad kasta inaadan ku deg deign illaa aad ogaatid wajigeeda saxda ah, haddaba sidaas camal waxaa loo baahanyahay madax dhowrati ah oo dareemi karta qatarta dadkooda kusoo fool leh ugana jawaabi karta si xeel dheeri ku jirto.

Sida caadiga ah Fardaha walaalkey waxay joogaan tuulada Habar-Cirir, maalin maalmaha ka mid ah ayaan soo wadanay laba faras oo jaro baran (loo tababray in lasalbo), waxaan ku tagnay deegaankii miyiga, markii aan ka degnay kadib ayey billaabeen inay dhegaha kor utaagaan, waxaan dhahay maxaaa ku dhacay wuxuu yiri waxbaa meelaha kasoo socda dad iyo dugaag waxay ahaan lahaayeenba marka way dhega soolinayaan, oo dadka ay la joogaan ayey uga digayaan oo dareensiinayaan in wax kusoo socdaan. Halkaas waxaan ka fahmay in xitaa farduhu halista ka digaan si looga feejignaado, nabad sugid dhegasoolineysa allow inuu sahal.!!!!

Wali waxaan kusii jiray aqoon kororsi iyo fahanka nolosha reer miyiga, waxaan arkay Orgi la celinayo maanta dhan oo cidaha deriska laga soo qabanayo asagoo xoolaha deriska dhex boodaya waxaan dhahay war orgigan balaayo oo markasta orodka ku jira oo markasta deriska laga soo raadinayo waa maxay? walaalkey wuxuu iigu jawaabay waa dhoodaal badanyahay oo wuxuuba ka helaaa inuu deriska xoolahooda aado wixii waxtar ahna ku biiriyo, halkaas waxaa iiga korortay in dadkaba ay ka buuxaan kuwo dowladdaha deriska waxii waxtar ah ku biiriya.

Allow waxaan kaa barinay baxdooy dhaqsi yoolka ku gaara, aan jimbo laheyn, dhoodaaashiisu badneyn, aan doobo goray aheyn, dhega-soolintiisuna badantahay.

Mahadsanid,
Mohamed Hashi Dore

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.