Xildhibaan ay ku dileen Muqdisho Illaaladda Xildhibaan kale+Magaca Xildhibaanka la dilay iyo kan ay Illaaladiisu wax dileen

0

Alle ha u naxariistii waxaa Goor-dhaw magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug, waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen Ilaalada Xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu marayay Nawaaxiga Bar Control oo ku taala Sayidka waxaana Gaarigiisa oo ku soo dhawaaday gaariga Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay rasaas ku fureyn Gaariga Marxuumka ilaada Xildhibaan Abuukaate.

Dowladda Somalia ayaan illaa iyo hadda ka hadlin dhacdadan, iyadoona horay sidan oo kale uu ugu dhintay Wasiir ahaana Xildhibaan lagu magacaabo Cabaas Siraaji, iyadoona dhacdadaasi uu Xilkii ku waayay Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ay Illaaladiisu wax dileen, balse ma cadda sida hadda dhacdadan loo wajihi doono

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.