Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Hiiran

0

Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa la wareegay Deegaanka Maroodile oo 45 KM u jira Magaaladda Baladwayne ee Xarunta Gobalka Hiiraan.

Xalay ilaa Maanta ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay deegaankaas ku soo qaaden weeraro dhowr ah, taas oo sababtay in ciidamadii dowladda ee ku sugnaa halkaasi ay isaga baxaan.

Goobjooge ayaa u sheegay HornAfrik in Ciidamada dowladda ay deegaanka Maroodile ay isaga baxeen, una dhaqaaqeen Dhinaca Baladwayne, taas oo keentay in Al-Shabaab ay la wareegaan Deegaanka.

Xaalada deegaanka Maroodile oo hoostaga degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan ayaa haatan ah mid degan oo ay Gacanta ku hayaan Shabaab. Waxayna Dadka Deegaanka Kooxdu isugu soo bixiyeen Barxad, halkaas oo ay uga jeediyeen Khudbad ay uga dalbanayaan inay dhinacooda ka qayb qaataan Dagaalka ka dhanka ah Ciidamadda Dowladda.

Ciidamadii dowladda ee halkaasi ka baxay ayaa haatan ku sugan inta u dhaxaysa Baladwayne iyo Maroodile, iyagoona halkaasi ka wada Dhaqdhaqaaq Ciidan.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.