Xog: Akhriso Cadaymo Saraakiil Sirdoonka Somalia ka tirsan Oo Xiriir Toos ah la leh Alshabaab+Magacyo

0

Dhawaan ayey aheyd markii Sirdoonka Galbeedka ay soo gudbiyeen qatar jirta, taasoo ah in Shabakad xoogan ay ka dhex dhisan tahay Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka taasoo uu madax u yahay Sakariye Ismaciil Xirsi oo horey usoo ahaa Madaxi Amniyaadka Alshabaab.

HornAfrik.net ayaa baaritaan ku sameysay warqadan iyo sida ay u bixineso tilmaamaha shaqo ee ay la wadaagaan Kooxdan Alshabaab, gaar ahaan shaqsiyaadka ay la xiriiraan markasta,  iyadoo warqada aad ku arkeyso in Dadka ay xogta siiyaan ay yihiin kuwa howsha u wada Manaxayaasha Alshabaab ana halbowlaha Alshabaab iyadoo Talefanada ay kuwada hadlaan la mariyey Calaamada Madow sida aad ka arki karto Warqada sirta ah.

Kooxdan oo ka kooban 5 Nin ayaa ah kuwa isla jaan qaaday sanadkii tagay ee 2016, iyadoo ay soo shaac baxday wada shaqeyntooda muuqata sanadkan 2017,  gaar ahaan wixii ka danbeeyey doorashadii Madaxweyne Farmaajo.

Hadaba waxaan dul istaageynaa Shaqsi kasta oo shabakadan kamid ah iyo Shaqsiyaadka Alshabaabka ah ee ay la xiriiraan iyo awoodaha ay leeyahayihiin.

Col Mohamed Bukhari Ahmed

Col Mohamed Bukhari Ahmed oo loo yaqaan Bukhaari wuxuu la xiriiraa Maxamed Xaaji ( Ina Labo Jir) oo Magaca Shabaabka looga yaqaan uu yahay Ikhlaas ahna Beesha Habargidir, Ceyr, waana ninka haya Diiwaanka Saraakiisha iyo Madaxda kala duwan ee Shabaab u shaqeeya kana tirsan Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, wuxuuna xilkan hayey ilaa markii uu Godane u magacaabay, waana Nin aysan ogaan karin Madaxda kale ee Shabaabka ah Diiwaanka Magacyada uu hayo ee Shabaabka Dowlada ku jira, marka laga reebo Madaxa guud ee Alshabaab, waana nin halis ku ah Amniga Dalka.

Sidoo kale waxey wada hadlaan Muxyadiin oo loo yaqaan Yasiin ahna Beesh Shiikhaal, Reer Ow Qudub, Ninkan ayaa ah ninka haya Diiwaanka Shabaabka ka dhex shaqeeya Wasaaradaha Dowlada, waana nin ku sugan inta badan meel aan Muqdisho ka fogeyn.

Sidoo kale Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere ahna Beesha Murusade  ayey wada xiriiraan si joogta ah.

Gaashaanle Dhexe Mukhtar Ismacil Abdi

Gaashaanle Dhexe Mukhtar Ismacil Abdi wuxuu la xiriiraan Ikhlaas oo aan horey uga soo hadalnay waxa uu yahay iyo Muxyadiin oo loo yaqaan Yasiin oo aan isna kasoo hadalnay qatartiisa iyo Khadar Keyse  oo loo yaqaan Ceynaanshe  ahna Beesha Isaaq kana tirsan Madaxda Amniyaadka isagoo la shaqeyn jiray Sandheere  oo ahaa Isaaq Arab kasoo Mareykanka Duqeyn ku dilay Sanadkii tagay xili uu ku sugnaa hawaay oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose sidoo kale wuxuu la xiriiraa Maxamed Maxamuud Nuur oo loo yaqaan Suldaan ahna Isaaq, Habar jeclo waana Madaxa Sakawaatka  Alshabaab waana ninka Ganacsatada Lacagta ka gura iyo Xoolaleyda.

Gaashaanle Dhexe Aden Sheikh Abdi Wayah

Gaashaanle Dhexe Aden Sheikh Abdi Wayah waxa uu si oogta ah ula xiriiraa Ikhlaas, Muxyadiin iyo Cali dheere oo aan dhamaantood kor uga soo wada hadalnay awoodooda iyo shaqadooda waxa ay tahay.

Gaashaanle Dhexe Mukhtaar Aadam Isaq.

Gaashaanle Mukhtar Aadam Isaq wuxuu si toosa ugu xiran yahay Ikhlaas, Muxyadiin iyo Macalin Janow  oo ah Beesha Raxanweyn ahna Madaxa Jabhadaha ee Gobolada Bay iyo Bakool.

Sakariya Ismaciil Hirsi

Sakariya Ismaciil Hirsi oo horey usoo ahaa Madaxa Amniyaadka Alshabaab inta uusan Dowlada soo galin ayaa si joogta ah ula xiriira Ikhlaas, Muxyadiin iyo Cali Dheere wuxuu sidoo kale la xiriiraa si joogta ah Mahad Warsame oo loo yaqaan Karateey ahna Beesha Habar gidir,Ceyr, waana dhaxal sugaha Hogaanka Alshabaab sidoo kale wuxuu si joogta ula xiriiraa Jacfar Dheere oo ah Beesha Ogaaden, reer isaaq  ahna Madaxa Amaanka Amiirka Alshabaab Axmed oo Shabaabka u yaqaanaan Abuu Cubeyda.

Shantan Sarkaal ayaa ah kuwa Xilal kahaya Hey`ada NISA waxeyna mujineysaa in loo baahan yahay in Dowlada laga dhex sifeeyo Shabaabka ku dhex jira kuwaa oo leh Saraakiil, Xilibaano,Agaasimayaal,Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameedyo waana talaabo Guul horseedeysa hadii la ciribtiro Nabad diidka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.