Taliyihi Qeybta Galbeed Muqdisho Oo Xilka Laga Qaaday Kadib Marki Uu U Gacan Qaaday Taliyaha Booliska .

0

Taliyihii Ciidanka Boliiska Qeybta Galbeed G/le sare  Maxamed Daahir ayaa xilka laga qaaday, kadib markii uu feeray ku simaha Taliyaha Booliiska  General Mukhtar Xuseen Afrax .

Gacan qaadka ayaa dhacay 4 maalin ka hor markii ay isku qabteen Dad uu sii daayay Taliye Maxamad Daahir, mar uu howlgal ka dhacay Duleedka Muqdisho, kuwaasoo ahaa Rayid, balse uu Gen Muqtaar ku amray inuu ku laabto bartii uu Howlgalku ka dhacay oo uu keeno Dadkii uu sii daayay, Waxaana uu Maxamad Daahir ku dooday inaysan waqtigaas suuragal ahayn inuu bartii ku laabto, ayna jiri karto Qatar Amni, Waxaase taas ka dhalatay in Erayo adag oo Aflagaado u badnaa ay is waydaarsadaan Jananka iyo Kornaylka. kadibna ay arrinta isku badashay gacan qaad iyo Bastoolado inay iskula baxaan.

HornAfrik ayaa ogaatay in wixii waqtigaasi ka dambeeyay uu Col Maxamad Daahir keensaday Gurigiisa Ciidan badan oo uu iskaga difaacayo weerar ay suurtagal tahay inuu kaga yimaado Gen Muqtaar, Waxaana uu diiday Maxamad Daahir inuu is geeyo CID-da si loo xiro.

Xilkii uu hayay Maxamad Daahir ee Qaybta Galbeed ee Muqdisho ayaa loo magacaabay Maanta Qaasim Axmad Rooble oo ka mid ah Saraakiisha Booliska.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.