Maxkamadda sare ee Kenya oo sharci ka dhigtay dib u doorashadii Uhuru Kenyatta

0

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku tilmaamtay inay sax aheyd dib u doorashadii Uhuru Kenyatta ee 26-kii bishii October, iyadoo meesha ka saartay dacwad ka dhan aheyd.

Lix Garsoore oo ku sugnaa Maxkamadda ayaa ayiday doorashada, waxaana ay laaleen dacwad ka dhan ah dib u doorashada Mr Uhuru oo mucaaradka gudbiyeen Maxkamadda sare.

Go’aanka Maxkamadda ayaa ka dhigan in todobaadka soo socda in xilka Madaxweynaha loo dhaarin doono Madaxweyne Uhuru Kenyatta markii labaad.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa qaadacay inuu ka qeyb galo tartanka doorashadii ku celiska aheyd ee 26 October dhacday, waxaana uu eedeeyay qaabka Guddiga doorashada wax u wadeen.

Bishii September ayay aheyd markii maxkamadda sare Kenya ay laashay doorashadii August ee Uhuru Kenyatta ku guuleystay, waxayna amartay in la qabto doorasho ku celis ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.