Somalia oo doonaysa in Imaaraadka Carabtu joojiyo Taageeradda uu siiyo Dowlad Goboleedyadda.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadanaysa muddo  labo cisho ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo La-taliyeyaal.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmaysa, isagoo hore booqasho ugu tegey Boqortoyada Sacudi Carabiya,

khilaafka siyaasadeed ee Bariga Dhexe ayaa saameyn ku yeeshay dowlada federalka iyo maamul goboleedyada dalka. Waxaana Somalia ay kala hadli doontaa Imaaraadka Carabta inay joojiyaan Taageeradda ay siiyaan Dowlad Goboleedyadda iyo Siyaasiyiinta ka soo horjeeda Villa Somalia, balse lama oga in Imaaraadku aqbali doono iyo in kale.

Imaaraadka waxay dhinacooda kala hadli doonaan Somalia inay badasho Mowqifkeeda Dowladda Yar ee Qatar oo ay go’doomiyeen Isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraadka, Inay saxiixdo Dekadda Somalia inay maamulaan Imaaraadku iyo Qodobo kale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.