Madaxweynaha Hirshabelle oo dhowaan ku dhowaaqaya Gole Wasiiro aysan Xildhibaano ku jirin

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa in 48-ka saacadood ee soo socota uu ku dhowaaqo Gole Wasiiro oo aysan xubno ka ahayn xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kulamo saacadihii la soo dhaafay ka socday Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa la sheegay in is afgarad laga gaaray, iyadoo Madaxweyne Waare uu ku wargeliyay Xildhibaanada inuu soo dhisi doono Gole Wasiiro oo tayo leh, kuwaasoo aysan xubno ka noqoneyn xildhibaanada baarlamaanka.

“Xildhibaanada baarlamaanka waa kuwa ilaalinaya sharciga isla markaana la xisaabtami doono golaha wasiirada.”ayuu yiri Madaxweyne Waare sida uu u sheegay Jowhar.com mid ka mid ah xildhibaanada ka qeybgalay kulanka uu la qaatay Madaxweyne Waare xildhibaanada Hirshabelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa markii dambe aqbalay qorshaha Madaxweynaha Hirshabelle ee uu dowladiisu ku soo dhisi doono, kuwaasoo aysan xubno ka noqoneyn xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle.

Golihii Wasiiradii ee uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Hishabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxaa golaha wasiirada ka mid ahaa 33 xildhibaan.

Ergadii ansixisay dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa ay isku raaceen in aan laga soo xulin xildhibaanada golaha wasiirada, iyadoo qodobka 31-aad cutubkiisa 3aad ee dastuurka Hirshabelle uu qorayay, Hase yeeshee fadhi ay yeesheen xidhibaanada baarlamaanka Hirshabelle bishii Oktoobar 2016 ayaa lagu  bedeley qodobkaas, iyagoo ku tilmaamay inuu ka horimanayo dastuurka dowlada federaalka.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha  Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa laga dhowrayaa Xukuumadda uu soo dhiso, isagoo ka hor ballanqaaday xildhibaanada in isbedel horumar ah uu ka dhici doono dowlad goboleedka Hirshabelle lixda bilood ee soo socota.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.