Dowlada Soomaaliya oo si ay dhaqaale uga hesho Maraykanka u kireysatay shirkada Park Strategies

0

Dowlada federalka Soomaaliya ayaa bilowday qorshe ay ku dooneyso in uu u soo dabco Madaxweynaha Maraykanka Trump, iyadoo u maraysa shirkad ka dhisan dalka Maraykanka oo uu Madax ka yahay Mudane hore uga tirsanaa Congress-ka Maraykanka.

Alfonse Marcello D’Amato oo siddeetan jir ah ayaa shirkadan madax u ah, waxaana la sheegay in dowlada Soomaaliya ay kula heshiisay lacag gaareysa 120,000 oo dollar.

Heshiiskaan ayaa waxaa sidoo kale Dowlada Federalka Soomaaliya ay qorsheysay inay madaxa Shirkadda Park Strategies, Alfonse Marcello D’Amato siiso 36,000 oo Dollar. Waxaana ka mamnuucan ah in Lacagahan laga bixiyo Deeqaha ay Dowladda Somalia hesho.

Shirkadda Park Strategies waxay Dowlada Federalka siin doonaan talooyinka istaraatijiyadeed,  la talin iyo  iyagoo wakiil ka ah Dowladda Somalia dadaal wadajir ah u galaan xaqiijinta xiriirka u dhexeeya Dowlada Soomaaliya iyo Dowladda Maraykanka.

Dowladda Maraykanka  waxay Somaliya siiyeen 10-kii sanno ee la soo dhaafay Kharaj ku dhow 2 Billion oo Dollar, taasoo loogu talo galay ama loo adeegsaday Kaalmadda Horumarinta iyo Daryeelka Hawlaha Samafalka.

Sidoo kale, Dowladda Maraykanka waxay 900 oo million oo Dollar ku taageereen Hawlgalka AMISOM. Waxa kale oo ay 720-million oo Dollar dhaqaalaha ahaan ugu taageereen howlgalladda ay Qaramada Midoobay ka wadaan gudaha Somalia.

Ku-dhawaad 500 Askar Maraykan ah ayaa haatan ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo Tababar iyo Taageero Loojistiko ah  siiyaan Ciiddanka DFS ee dagaalka kula jira Alshabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.