Xog: Akhriso Xaqiiqda Dadka Wasiirka Amniga ku eedeeyay inay soo Abaabuleen Qarixii Soobe.

0

HornAfrik waxay dabagal ku samaysay Dadka uu Wasiirka Amniga Somalia ku sheegay in loo hayo Qarixii Soobe ka dhacay 14-kii October, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 400 Qof.

Magacyadda Dadkaasi iyo Xogtooda saxda ah:-

    1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) – waxaa lagu sheegay inuu ahaa Shaqsigii Masuulka ka ahaa Qarixii Soobe, Isagoona Xilkiisa lagu sheegay inuu ahaa Madaxa Amniyaadka Alshabaab, Xilligii uu dhacayay Xasuuqii Soobana waxa uu Wasiirku sheegay inuu joogay Tooratooroow. isagoona raaciyay Magacyo kale oo looga dhex yaqaan Alshabaab.

Gardhuub ma aysan baahin Dowladdu Sawirkiisa Rasmiga ah, waxay faafiyeen Sawir Ganacsade ku xiran Xabsiga Nabadsugidda oo la yiraahdo Muqtaar oo ay dhici karto inay u haystaan inuu yahay Ninkii la raadinayay ama ay doonayaan inay dusha ka saaraan Kiis uusan lahayn,

Ninka Saxda ah ee ka dambeeyay Qarixii Soobe ee la baxay Magacyadda Gardhuub, Fanax iyo Magacyo kale waxaa la yiraahdaa C/wali, Waana Maskaxda ka dambaysa Qaraxyadda iyo Dilalka ay Alshabaab ka gaystaan meelaha ay Dowladdu maamusho, Waxaa uu dagan yahay Toorotooroow, lama qaban, iyadoona Wasiirku uu ka dhigay in gacanta lagu hayo, Waxaana Magaca C/wali uu badashay markii laga daayay Telefeshinka Qaranka, waqtigaas oo uu ka dambeeyay Weerar lagu qaaday Madaxtooyadda Somalia, iyadoona uu arrintaasi ku sheegay Waraysi lala yeeshay Ina Bastoolada Wayne oo ahaa Qofka kaliya ee loo qabtay Weerarkaasi, Kadib waxaa haddana mar kale laga baahiyay isla Ninkan Magaciisa iyo Faah Faahintiisa Telefeshinka Qaranka markii la qabtay Shabakad Baabuur u isticmaali jiray Dilalka oo uu horkacayay Nin la yiraahdo Shucayb, kaas oo Dadkii uu dilay ay ka mid ahayd Fanaanad Saado Cali Warsame oo ahayd Xildhibaanad iyo Xildhibaano kale oo badan. taasaana keentay inuu iska badalo Magaca C/wali oo noqday mid aad loo hadal hayo.

    1. . Abdiweli Ahmed Dirie  waxaa lagu sheegay in uu ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarkaas ka yimaado. Waxaa sidoo kale lagu sheegay Magacyo kale oo uusan lahayn.

Haba yaraatee waxba kama jirto Eeda lagu soo oogay C/wali, Iyadoona uusan ahayn Qofkii ugu horeeyay ee ay Dowladda Somalia soo qabato, kuna sheegto Madaxa Qaraxyadda Gobalka Banaadir, Isla Wasiirka Amniga waxa uu billo ka hor sheegay inay qabteen Nin isla xilkan uu ku sheegay.

C/wali waxa uu shaqaale ka ahaa Shirkad Ganacsi, Waxaana uu Sannad ka hor damiintay Gaariga Qarxay oo markaas uu lahaa Abtigiis, kadibna Gaarigaas Abtigiis waxa uu isaga iibiyay Si Sharci ah, isagoo ku wareejiyay Nootaayo ay aqoonsan tahay Dowladda Somalia.

    1. Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii Waday Gaarigii Noha-da, ahaa ee ku qarxay Xaafada Ceel Qalaw waana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Nohada ayaana Ciidanku qabteen. Waana Shaqsiga kaliya ee Runta ah ee ay Dowladdu u qabatay Qarixii Soobe, Waana sax sida Wasiirku sheegay ma ahayn Qofkii is Qarxin lahaa ee waxa uu gaariga ku wareejin lahaa Ismaadiimayaha oo aan si wanaagsan u aqoon Gaari Wadida, lagana baqayay ka hor inta uusan gaarin goobta uu isku qarxin lahaa inuu Shil Baabuur galo, iyadoona Xasan loogu talagalay in marka uu u dhaweeyo Goobta uu beegsan lahaa inuu ku wareejiyo Gaariga Ismiidaamiyaha oo noqon lahaa Qofka loogu talagalay inuu sameeyo Qaraxa 1-aad.
    2. Ali Yusuf Waceys (Duale) Waxay Wasaaradda Amnigu ku sheegtay inuu ahaa Shaqsiga loo diyaarinayay inuu isku miidamiyo Noohadda, lagu qabtay Xasan Aadan Isaaq,Haba Yaraatee Eedda Muwaadinkaas lagu soo oogay waxba kama jirto, Waxaana Cali uu iskiis isugu soo      dhiibay Dowladda Somalia, Iyadoo aysan jirin howl lagu soo qabtay, Wuxuuna yimid 2 Maalin kadib            Qarixii   Soobe, isagoo sheegtay inuu ka carooday wixii ka dhacay halkaasi, damiirkiisuna siin waayay inuu  ka sii mid ahaado Alshabaab, taasina ay ku kaliftay inuu go’aansado inuu iskiis isku dhiibo, Waxaana uu ka  yimid Bilo ka hor Gobalka Gedo oo uu ka soo jeedo, isagoo Caafimaad u yimid Muqdisho.Cali waxaa u fududeeyay inuu isi soo dhiibo Askari ka tirsan Nabadsugidda Somalia oo ay Ilmo Habreed       yihiin, uuna la soo xiriiray inuu u sheegay inuu doonayo inuu isi soo dhiibo. balse is dhiibistiisii kadib   ayaa  loo arkay Fursad lagu qancin karo Shacabka haddii lagu badiyo Dadka loo soo qabtay Qarixii Soobe.
    3. Xuseen Aadan Maadeey  Waxaa lagu sheegay Darawalkii Gaariga TM ka waday ee isku qarxiyey Zoobe waxaana loo yaqaanay baa la yiri Maadey (Cismaan Xaaji).

Maadeey waa uu nool yahay, mana ahan Ninka isqarxiyay, Waana Been Abuurkii ugu waynaa ee uu Wasiirka Amnigu sheegay, Waxaana ay HornAfrik ogaatay in Maadeey uu ahaa Darawalka gaarigan ka hor inta aan laga gadin ninka hadda iska lehaa Gaariga markii uu qarxayay, Waxaana Maadeey uu u dhashay Beesha Gaaljecel, isagoona Hooyadiis la yiraahdo Faadumo Cismaan, Waxaana uu dagan yahay Deegaanka Mareereey.

Dowladda Somalia ayaa Dadkan u isticmaashay inay adeegsado Dacaayad ay ku qancinayso Shacbiga ka carooday Weerarkii Soobe, Waxaana Dadkan marka laga reebo 1 Qof ay ogaatay inaysan xiriir la lahayn Weerarkii 14-kii October, Waxaa sidoo kale la yaab leh in Ninka lagu sheegay inuu is qarxiyay uu Nool yahay Dhibane-na u yahay Dowladda Somalia oo ku sheegtay inuu yahay Ninkii gaystay Qaraxa Xasuuqaas Baaxadda leh ka dhashay.

Xuquuqda Warkan waxa uu gaar u yahay HornAfrik, lama qaadan karo, lamana badali karo, iyadoo aan la xusayn Xuquuqda Lahaanshaha Warka ee HornAfrik

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.