Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaan u jira wax ka yar 30 KM Magaaladda Muqdisho.

0

Maleeshiyaad Hubaysan oo Alshabaab ka tirsan ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen Deegaan ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe, iyagoona Kaabiga ku haya Degmadda Balcad.

Dad Goobjoogayal ah ayaa u sheegay HornAfrik in Tuulada lagu Magacaabo Geed faqay oo Balcad u jirt 10km kaga beegan dhanka deegaanka Ceelashaa Biyaha ee duleedka Muqdisho ay la wareegeen Kooxda Alshabaab, Waxaana Deegaankan uu Istaraatiiji u yahay Magaaladda Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Geed faqay ayaa waxa ay sheegeen in tiro Al-Shabaab ah ay deegaanka soo galeen isla markaana ay Shacabka Khudbad u jeediyeen. Waxaana ay ku booriyeen Dadka Deegaanka inay u diyaar garoobaan Dagaal ay la galaan Ciidamadda Amisom iyo kuwa Dowladda Somalia.

Weli dhnkooda kma hadlin Maamulka degmada Balcad la wareegitaanka Al-Shabaab ee deegaanka geed faqay,balse xiriir aan la sameynay kama jawabin taleefoonadeena.

Alshabaab hadda waxay u muuqdaan inay ku soo siqayaan Magaaladda Muqdisho xilli ay Dowladda Somalia ku dhawaaqday Guluf Dagaal oo ka dhan ah Maleeshiyadda Argagixisadda ah ee Alshabaab, Waxayna u muuqataa ka hor Abaabulka Dowladda inay iyagu billaabeen Weeraro iyo isbalaarin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.