Sawirro:-Gudoomiyaha G/Banaadir Oo Shir Caalami Ah Uga Qeyb Galaya Talyaaniga

0

Taabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Roma ee Caasimadda dalka Talyaaniga.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir Subeyda Maxamed Mukhtaar,waxaana ujeedada Wafdiga Gudoomiyaha lagu sheegay inuu kaga qayb galayo Shir looga hadlayo Horumarka iyo Koritaanka ay samaynayaan Magaalooyinka Caalamka, kaasoo ka dhacaya Magaaladda Rome ee Dalka Talyaaniga.

Shirkaan oo ah heer Caalami ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgeli doona Gudoomiyaal metelaya Caasimado badan oo Wadamada Qaarada Afrika ah.

Sawirro laga soo qaaday gudoomiye Taabid oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa waxa ay muujinayaan in Gacantiisa Bidix ay weli ku xiran tahay Maro Gaduudaan, taas oo uu ku muujinayo sida uu uga xun yahay qarixii khasaaraha geystay ee 14 Bishii Octoobar ee Sanadkaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

Duqa Muqdisho Iyo Safiirka Talyaaniga
Duqa Muqdisho Iyo Safiirka Talyaaniga
Duqa Muqdisho Oo Ay Calaamad Gaduudan Ugu Xiran Tahay Gacanta
Duqa Muqdisho Oo Ay Calaamad Gaduudan Ugu Xiran Tahay Gacanta
Duqa Muqdisho Safiirka Talyaaniga Iyo Xoghayaha Guud Ee Gobalka Banadir
Duqa Muqdisho Safiirka Talyaaniga Iyo Xoghayaha Guud Ee Gobalka Banadir

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.