Duqeymo Diyaaradeed Oo Caawa Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Diyaarado Dagaal oo ay leeyihiin Maraykanku ayaa ka fuliyay Duqayn Caawa Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay Saldhigyo iyo Xeryo Tababaro ku leeyihiin Kooxda Alshabaab.

Duqeyntaan ayaa waxa Caawa fuliyay Diyaarada Droneska ee  aan duuliyaha laheyn, waxaana ay bartilmaameedsadeen Saldhig ay Kooxda Alshabaab ku leeyihiin Deegaanka Yaaq-Bariwayne ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil Sirdoon ayaa HornAfrik u Xaqiijiyay in Duqeynta  lala beegsaday Bartilmaameedkii loogu talagalay, Isla markaana lagu burburiyay Saldhig ay Kooxdu lahayd iyo Bar Koontarool oo ay Gaadiidka Lacago Baad ah kaga qaadan jireen.

Warar Hor dhac ah oo laga helay Saraakiisha Soomaalida ah ayaa sheegaya in ku dhowaad 15 Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ah lagu dilay Howlgalkaasi, laguna burburiyay Qalab iyo Saanad Ciidan oo ay Kooxdu lahayd.

Weeraradda Dhinaca Cirka ah ee ay Diyaaradaha Dagaalka Maraykanku la beegsanayaan Saldhigyadda Alshabaab ee Shabeelaha Hoose ayaa maalmahan sii kordhaya, Waxayna Duqaymahan u muuqdaan in lagu wiiqayo Awoodda Kooxda, looguna fududaynayo Ciidamadda Xoogga inaysan iska caabin xooggan kala kulmin Howlgalkooda ku wajahan Gobalkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.