Danjirihii Soomaaliya U Joogay Imaaraadka Oo Diiday Wareejinta Xilkaas

0

Cali Maxamuud Cali Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee DFS ayaa 24,kii Bishii la soo dhaafay ee Octoper waxaa uu shaaciyay in xilkii laga qaaday Danjirihii Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta Cabduqaadir Shiikheey  islamarkaana xilkaas loo Magacaabay Nin lagu magacaabo Axmed Daahir Maxamed.

War haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Cabduqadir Shiikheey uu diiday wareejinta xilkaas iyo in uu ku soo laabto dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho,.

Danjire Cabduqaadir Shiikeey  ayaa xilkaas haya mudo dhowr Sano ah,waxaana weli lacadeyn sababta uu u diiday in uu xilkaas wareejiyo.

HornAfrik ayaa ogaatay in sidoo kale ay jiraan Danjirayaal kale oo diiday inay Wareejiyaan Xilalka Safiirnimo, iyagoo qaadacay gabi ahaanba Amaradda ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia.

Wareegto W.a.d.
Wareegto W.a.d.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.