Xog: Akhriso Illo Dhaqaale oo ay Alshabaab ka helaan 25 Milyan Dolar Sannadkii.

0

Warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya ee UN Monitoring Group ayaa lagu sheegay in dhoofka dhuxusha ee sharci-darrada ah ee Soomaaliya uu weli ka socdo koonfurta Soomaaliya.

Warbixinta oo sheegtay in dhuxusha badankeed laga dhoofiyo magaalada Kismaayo, ay kooxda Al-Shabaab canshuur badan ka qaadato, ayada oo jidgooyo dhigatay inta u dhaxeysa Buur Gaabo iyo Kismaayo.

Warbixinta waxa ay sheegtay in tani ay tahay il dhaqaale oo kooxda Al-Shabaab ay sanadkii ka hesho 10 milyan oo dollar. Warbixinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay tahay halka ugu badan ee dhuxushan la geeyo, ayna xarun u tahay shabakado dambiileyaal ah oo ku xadgudba cunaqabateynta dhoofka dhuxusha Soomaaliya.

Marka laga reebo dalka Kuwait, ayay sheegtay warbixinta, in fulinta joojinta dhoofka dhuxusha ay tahay mid aad u liidata, gaar ahaan maamulka Jubbaland, Amisom iyo dowladda Imaaraadka Carabta, oo ah tan ugu badan ee dhuxusha soo dhoofsata.

Ka Sakoow Warbixinta Qaramadda Midoobay waxay HornAfrik ogaatay in $15 Milyan oo kale ay Alshabaab ka soo kala gasho Shirkadaha Xawaaladaha, Isgaarsiinta, Hoteeladda, Carwooyinka, Beeralayda, Xoolalayda, iyo Gaadiidlayda, Waxayna Lacagahan isugu jiraan kuwa Billo ah, Kuwo Sannadle ah, iyo kuwo Maalinle ah. iyadoona dhinacyadda Lacagahan bixiya ay marsiiyaan Gacmo u adeega Alshabaab oo ku dhex jira Ganacsatadda.

Miisaaniyadda Maaliyadeed ee Alshabaab soo gasha waxay ku dhacdaa Jeebabka Horjoogayaal kooban, kuwaas oo qaarna ku tagri fala, qaarna ku soo abaabula Qaraxyo iyo Dilal lala beegsado Shacabka Soomaaliyeed, Waxayna Fursadahan Dhaqaale sii dheeranaysaa jiritaanka Kooxda, Sidaas si la mid ah waxay awood u siinaysaa inay soo abaaabulaan Dagaalo iyo Weeraro Argagixisanimo oo ka dhaca Somalia iyo Dalalka Gobalka.

Dowladda Somalia oo Dagaal kula jirta Alshabaab waxay Juhdiga ugu badan galisaa inay Milatari ahaan ula dagaalanto Alshabaab, Balse ma jirto Istaraatiijiyad ka fog oo lagu soo gaabinayo Jiritaanka iyo Halista Kooxda Alshabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.