Diyaarado Duqeeyay Duleedka Basra ee Gobolka Sh.dhexe

0

Wararka naga soo gaarata Tuulada Mareerey oo Qiyaastii 6KM u jirta Degaanka Basra ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Goor dhow Diyaarado Dagaal ay duqeyeen Fariisomo Xarakada Al-shabaab ay ku lahaayeen Degaankaas.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Diyaaradaha ay Dhowr Gantaal ku dhufteen Saldhig Al-shabaabku ay ku leeyihiin Tuulada Mareerey,waxaana aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay Duqeynta.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Saldhigga la Duqeeyay uu ahaa Saldhig Al-shabaab ay ka soo Abaabuli jireen Weerarada ka dhaca Gobolada Shabeelooyinka.

Ciidamada Dowladda iyo Saaxiibada Dowladda Federaalka ka taageera Dagaalka lagula jiro Al-shabaab ayaa Weeraro iyo Duqeymo intaba ka fuliyay Gobolada Shabeellooyinka iyo Jubbada Dhexe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.