Diyaaradaha Mareykanka Oo Galabta Duqeyn Ka Fuliyay G/Jubbada Hoose

0

Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa markale laba Maalin oo xiriir ah waxa ay Galabta duqeyn ka fuliyeen deegaano ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee (AFRICOM)  ayaa waxa ay ku sheegeen in duqeyntaas laga fuliyay tuulo u dhow deegaanka Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale Warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas uu ku geeriyooday hal dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab kuna sugnaa Goobtii la duqeeyay.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay maqleen Galabta dhawaqa duqeynta balse aysan xaqiijin Karin khasaaraha u geystay dhankoodana ay casbi dareemeen.

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa kordhay duqeynta uu Mareykanka ka fulinayo Soomaaliya, waxana duqeyntaan ay ku soo aadeysaa xili xalay Saqdii dhexe duqeyn laga fuliyay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.