Sawirro: Booliiska Jubbaland Oo Puntland Ku Wareejiyey Nin Kufsi Ku Eedeysan

0

Ciidamada Booliiska ee maamulka Jubbaland ayaa maanta isaga oo gacmaha ka xiran waxay Puntland ku wareejiyeen nin ku eedeysan kufsiga gabar yar oo 16-sano jir ah, Xabadna uga dhuftay xubinta taranka, falkaasi oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ninkaan ayaa laga soo qabtay Duleedka magaalada Kismaayo, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada Jubbaland, waxaana maanta loo dhoofiyey Puntland.

Saraaskiisha Booliiska Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in ninkaan ay kasoo qabteen isaga oo ku dhuumaaleysanayey Jabalaha badda Kismaayo.

Ninkaan maanta laga dhoofiyey magaalada Kismaayo ayaa kamid ahaa sida la sheegay ciidamada Puntland.

Halkaan hoose ka arag sawirada:

Eedaysane Loo Haysto Kufsi Oo Isagoo Katiinadaysan Ay Wadaan Booliska Jubbalanad
Eedaysane Loo Haysto Kufsi Oo Isagoo Katiinadaysan Ay Wadaan Booliska Jubbalanad
Saraakiisha Booliska Jubbalanad Iyo Puntland
Saraakiisha Booliska Jubbalanad Iyo Puntland
Sarkaal Boolis Ah Iyo Eedaysanaha
Sarkaal Boolis Ah Iyo Eedaysanaha

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.