Guddigii Loo Xil Saaray Baaritaanka Kiiskii Qalbi Dhagax Oo Waqtiga Loo Kordhiyay

0

Weli waxaa la sugayaa baaritaanada ku aadan Guddigii loo xilsaaray baaritaanada kiiskii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Madaxda Jabhadda ONLF, kaas oo Dowladda Itoobiya lagu wareejiyay.

Guddigaan ayaa waxaa natiijada ka soo baxday baaritaankooda laga sugayay 10 Bishaan oo ku beegneyd Jimcihii shalay, balse kulankii Maanta Baarlamanka Soomaaliya ay dalbadeen in waqtiga loo kordhiyo.

Gudoomiye ku xigeenka Guddigaas ayaa sheegay in baaritaanadooda xoogaa ay dib-u dhacday, balse ay codsanayaan in waqti kale oo dheeri ah loogu daro.

Dhanka kale gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka shir gudoominayay ayaa sheegay in Guddigaanbugu dambeyn Maalinta Sabtida ah ee soo socota laga sugayo natiijada Kiiska Qalbi Dhagax oo 27 Bishii  Agosto loo Gacan geliyay Itoobiya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.