Alshabaab oo Beeniyay Sheegashadii Dowladda Somalia ee ahayd inay Howlgal ka sameeyeen Jilib.

0

War rasmi ah oo kasoo baxay Kooxda Alshabaab, laguna faafiyay Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa lagu beeniyay in Qaraxyo lala beegsaday Xarun ay Alshabaab ku leeyihiin Magaaladda Jilib ee Jubadda Dhexe.

“Waa been aan sal iyo raad midna lahayn sheegashooyinka Dowladda ee ku aadan in ay beegsadeen xarumo ay Alshabaab leeyihiin, Waxaana idiin xaqiijinayaa in aanu jirin wax weerar ah oo ka dhacay degmada Jilib iyo xitaa Jubada dhexe oo ay Dowladdu fulisay” Ayuu yiri C/casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Howlgaladda ee Kooxda Alshabaab.

Alshabaab waxay ku macneeyeen Sheegashadda Dowladda Somalia mid ay doonayso inay uga dhuumato Guuldarooyinka Ciidan iyo kan Siyaasadeed ee Bilihii ugu dambeeyay ay la daris noqotay Muqdisho. Waxay sidoo kale sheegeen inay ku jahwareeriyaan Shacabka si aysan u ogaan Jab ay sheegeen inay kala kulmeen Ciidanka Dowladda  Dagaalo ay Maleeshiyadooda kula galeen Deegaanka Basro oo u dhaxeeya Afgooye iyo Balcad.

Wasiirka Warfaafinta Somalia, C/raxmaan Yariisow ayaa u sheegay Warbaahinta Dowladda in Labo Weerar oo Gaar ah ay ka fuliyeen Xarumo Qaraxyadda ay ku samayn jireen oo Alshabaab ku lahaayeen Jilib, Wuxuuna Wasiirku sheegay in Weeraradaasi loo adeegsaday Miinooyin la galiyay Xarumahaasi oo sababay dhimashadda 81 Maleeshiyo Alshabaab ah iyo in lagu burbuiyey agab badan oo qaraxyada laga sameeyo, kuwaasi oo uu ku sheegay TNT, RDX, Potasium Nitrate, sodium nitrate iyo sawaariiq lagu qiyaasay ilaa Laba ton iyo Hub kale.

Ka Sakoow Sheegashadda Dowladda Somalia iyo Beeninta Alshabaab ma jiraan Illo Madaxbanaan oo xaqiijinay in Howlgallo ay ka dhaceen Jilib.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.