Somaliland Oo La Xayiri-doono Baraha Bulshadda 13-ka Bisha Wixii Ka Dambeeya+Sharicugu Muxuu ka yiri,?

0

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxay sheegeen in baraha bulshada ku wada xiriirto ee internetka laga xiri doono guud ahaanba Somaliland laga bilaabo lixda fiidnimo ee 13 bisha November oo ah maalinta loo dareerayo doorashada Somaliland.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Somaliland, Siciid Cali Muuse oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka Somaliland ay shirkadaha isgaarsiinta ku amreen in ay hawada ka saaraan baraha bulshada muddada lagu jiro doorashada.

“Maalinta loo dareero doorashada lixda fiidnimo ilaa inta lagu dhawaaqayo doorashada baraha bulshadu ku kulanto ee loo yaqaan Social Mediahu waxay noqon doonaan kuwo ka xidhan Jamhuuriyadda Somaliland,”ayuu yiri Afhayeenka.

Waxyaabaha la xidhaayo waxa ka mid ah; Facebook, Twitter, Snapchatka, flickr, instgram, whatsappka, Viberka, Linkedin, Tango, Google+ iyo Lemone. Laakiin waxaan rabnaa inaan u sheegno dadka reer Somaliland in aan haba yaraatee aanay jiri doonnin wax internet ah oo  laga xidhaayo dalka” Sidaas waxa sheegay afhayeenka guddiga doorashooyinka Somaliland, Siciid Cali Muuse.

Haddaba, go’aanka kasoo baxay gudida doorashooyinka Somaliland ee ay hawada kaga saarayaan baraha bulshada muxuu ka qabaa sharicga Somaliland?

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac, Guddooniyaha Xarunta Xuquuqul Insaanka Madax-bannaan ee Somaliland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in arrintani ay kasoo horjeedo sharciga Somaliland, isla markaana guddiga doorashooyinku aanay awood u lahayn inay hawada ka saaraan baraha bulshada.

“Sharci iyo awood uma laha guddida doorashooyinku in ay internetka gaar ahaan baraha bulshada ay ka xidhaan, wadamada dimuqraadiga ah ee doorashooyinka xor iyo xalaasha ah ay ka dhacaan internetka lama xidho waxa internetka ama baraha bulshada la xidhaa wadamada keligii-teliska ah sida Gabboon, Jaad iyo Uganda. Laakiin dal dimuqraadiya oo ummaddiisu ay tahay xor oo aan cabsi laga qabin in uu mad-madow dhaco internetka lama xidho dunida dimuqraadiyadu ka jirtana kama dhacdo” ayuu yidhi Sharci yaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac).

Ugu dambeyntii, waa markii ugu horraysay ee Somaliland hawada laga saari doonno baraha bulshada tan iyo intii la bilaabay isticmaalka baraha Bulashada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.