Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Xildhibaanadii Galmudug ee ka soo horjeeday Xaaf

0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xalay Aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kula kulmay tiro Xildhibaano ah oo ka mid ah kuwii xilka ka qaaday madaxweyne Xaaf.

Kulanka oo ahaa mid uu horay u dalbaday Madaxweyne Farmaajo ayaa waqtigii loogu talo galay oo aheyd maalin ka hor dib-u dhacay sababo la xiriira dhanka Madaxtooyada.

Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kana mid ah Xildhibaanadii la kulmay Madaxweynaha ayaa HornAfrik u sheegay in ay ka wada hadleen qaabkii uu ku soo bilaawday khilaafka Galmudug iyo Wadada ay u mareen xilka qaadistii Xaaf.

Madaxwayne Farmaajo ayaa intaa kadib u sheegay Xildhibaanadda Galmudug in loo baahan yahay in la xaliyo Khilaafka jira, Wuxuuna u cadeeyay in Dowladda Somalia ay aqoonsan tahay Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf, isla markaana ay u baahan yihiin inay dhameeyaan Khilaafka jira.

Dood iyo Falanqayn dheer kadib waxaa la isla gartay in Guddi ay iska soo dhex saaraan, Kulan dambana la isugu soo laabto.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.