Dagaal Culus Oo Ka Socda Duleedka Degmada Balcad

0

Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Somalia iyo Maleeshiyadda Alshabaab ayaa ka socda Duleedka Degmadda Balcad ee Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa waxa uu sigaar ah uga socdaa deegaanada kala ah Baqdaad,Alfoow iyo Gaalgube oo u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisinka Ciidanka dowladda ay ka samaysteen Deegaanka Baqdaad, halkaas oo ay dhawaan kala wareegeen Alshabaab. Waxaana kadib uu Dagaalka ku fiday Deegaano kale oo hor leh.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay HornAfrik in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac ah, balse aan la xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay.

Goobta uu dagaalka ka socdo ayaa ah dhul dhoobey ah oo inta badan aysan marin karin Gaadiidka maadaama halkaasi oo uu ka Da’ay roobkii deyrta.

Degmadda Balcad ee Duleedkeeda lagu dagaalamayo waxay u jirtaa Muqdisho Masaafo dhan 30km, Waxaana muuqanaysa in Alshabaab ay ku dadaalayaan inay is hortaagaan Gulufka Dagaal ee ay qaban qaabinayso Dowladda Somalia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.