AMISOM Oo Bandow Soo Rogtay Xerada Xalane Iyo 1,500 Shaqaale Soomaali Ah Oo Uu Saamayn Doono

0

Hadal Qoraal oo ka soo baxay Taliska Hawlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in aysan Muwaadiniinta Soomaalida ee ka dhex shaqeeya Xeradda Saldhigooda Xalane soo geli Karin Xeradaasi laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay Nov. 9  ilaa laga gaarayo bishan  13-da.

Nuqul ka mid ah Qoraalkaasi oo HornAfrik la soo gaarsiiyey ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka AMISOM Hawlgal dhinaca Ammaanka ka fulin doona gudaha iyo deegaanadda ku hareeraysan Xeradooda Xalane.

Go’aanka Muwaadiniinta Soomaalida looga mamnuucay gudaha Xeradda AMISOM ayaa waxay isugu jiraan Shaqaalaha Dhismaha, kuwa Gaadiidka Xamuulka, Xarumo Ganacsi, Geerashka Gaadiidka lagu dhaqo, iyo Shaqaalaha ka shaqeeya Kushiinka Weyn ee ku yaalla Sector 1.

Dhinaca kale, Qoraalka waxa uu si toos ah ugu socotay Dhamaan Xaruumaha Dhexe ee AMISOM,  Dhamaan La-hawlayaasha AMISOM,  Dhamaan Shirkaddaha MIA Companies,  Dhamaan shaqaalaha Dukaanka Kheyraadka Badda, Dhamaan Shaqaalaha Dukaanka Garoonka Diyaaradaha, Dhamaan Shaqaalaha Garaashka Dhaqista Gaadiidka,  Dhamaan Shaqaalaha Kushiinka Weyn ee Qeybta 1-aad (Sector 1)) iyo Dhamaan Shaqaalaha Dukaamada kale.

Dhinaca kale, Qoraalka AMISOM waxaa lagu sheegay in inta ay socdaan Hawlgalka Ammaanka in Bandow la soo rogay, waxaana Safaaradaha, Shaqaalaha Ajaaniibta, Qandaraasleyda, Shirkadaha, Dukaanleyda laga codsaday qoddobo ay ka mid yihiin::

1- Inay xisaabiyaan Gaadiidka Yaryar iyo Waa Weyn ee dhex yaalla Xeradda Saldhigga ee AMISOM.

2-Waa inay Gaadiidkooda ku dhejiyaan Taarikada Cusub ee sannadka 2018-ka,

3- Waa Inay Shirkadaha keenaan dhamaan Xogta Warbixintii ugu dambeysay ee Shaqaalaha Soomaalida iyo kuwa Ajaaniibta dalalka ay u kala dhasheen.

4-Hoteellada ayaa laga dalbaday inay maalin kasta si joogto ah u soo gudbiyaan  Liiska Macaamiisha, Qolalka ay kala deggan yihiin iyo waxa ay Shaqadoodu tahay.

5- Waa in Ciiddanka AMISOM loo oggolaado inay Eeyo u adeegsadaan inay baaraan Guryaha iyo Dhismayaasha, si loo ogaado haddii ay jiraan waxyaabo qarxa oo qarsoon oo yaalla  gudaha Dhismayaashaasi.

6- Inta uu Bandowgu socdo, Waa in gebi ahaan dhamaan Ballamada dhinaca Shaqada, xitaa kuwa Ballamada hore ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Bandowga ay AMISOM ku soo rogeen Xeradda Saldhigga u ah iyo Garoonka Diyaaradaha waxa uu saamayn doonaa ilaa 1,500 Shaqaale u badan Xoogsato oo si maalinle ah uga shaqeeyn jirey Xarunta Dhexe ee AMISOM.

Amisom Qoraal

Amisom Qoraal 2

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.