Mid Ka Mida Dhaqaatiirta Muqdisho oo Dhaawac Culus uu Ka Soo Gaaray Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa.

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaarigiisa loogu xiray Nin la sheegay in uu ka mid ahaa dhaqaatiirta Magaalada Muqdisho, isla markaana lahaa Xarun Caafimaad.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska degmada Hodan . Aadan Cismaan Xuseen oo la hadlay HornAfrik ayaa xaqiijiyay inuu la qarxay gaarigiisa Dhaqtarka oo lagu Magacaabo Xaashi Dhiblaawe  xili uu marayay agagaarka Warta Siigaale ee degmada Hodan.

Waxa uu sheegay in Dhaqtarka lugtiisa Midig ay Go’day, isla markaana haatan lagu daweynayo Isbitaalka Daaru-Shifaa ee Magaalada Muqdisho.

Dr Xirsi Dhiblaawe ayaa la sheegay in uu ahaa Dhaqtar dhanka Cudurada  Wadnaha ah, isla markaana uu ka howlgalayay Xarun Cafimaad oo ku taalla agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo u dhaw Iskuulka Hoyga Xamar Xaruntiisa KM4.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegteen masuuliyada Qaraxa lagu dhaawacay dhaqtarkaas iyaga oo sheegay in uu ka mid ahaa Saraakiisha Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo ay la xiriirtay HornAfrik waxay beeniyeen in Dhaqtarkaasi uu ka tirsnaa, Waxayse sheegeen inay ku yaqaanaan oo kaliya inuu Dhaqtarkaasi u shaqaysanayay si iskiis ah oo uu ka hawl galayay Xarun Caafimaad oo Gaar loo leeyahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.