Madaxwaynihii Hore ee Ximin iyo Xeeb Oo Dib Dacwadiisa ay u dhagaysanayso Maxkamadda Belgium.

0

Madaxweynihii hore ee Maamulkii Ximin iyo Xeeb, Maxamed Macallim Aadan “Tiiceey” oo haatan ku xiran Xabsi ku yaalla dalka Belgium ayaa la filayaa in dib loo dhegeysto Rafcaanka uu ka qaatay Xukun horey loogu riday.

Maxkamad hubisa Xukunadda ay ridaan Maxkamadaha kale ee dalka Belgium  ayaa sheegtay inay qeyb ahaan nasaqeen Xukun uu Garsooraha Maxkamadda Rafcaanka ee The Ghent” horey ugu riday Maxamed Cabdi Xasan “Afweyne” iyo Maxamed Macallim Aadan :Tiiceey”, kuwaasi oo horey xukun ugu muteystay Eeddo la xiriira Falal Burcad-baddeednimo ah.

Warbaahinta dalka Belgium  oo soo xiganaya Hay’adaha Garsoorka ee Dalkaasi ayaa sheegay in la oggolaaday Codsigii Rafcaanka ee Maxamed Macallim Aadan Tiiceey ku codsaday in dib loo eego Xukunkii 10-ka sanno ee horey loogu xukumay.

Wargayska nieuwsblad ayaa qoray in Maxamed Macallim Aadan “Tiiceey”  markii hore lagu xukumay xabsi 5-sanno, xubinnimadiisa Koox Burcad ah, iyadoo Xukunka la gaarsiiyey 10-sanno, kadib, markii ay Maxkamadda The Ghent  u aqoonsatay inuu yahay mid ka mid ah Hoggaamiyayaasha Kooxda Burcad-baddeeda.

Maxamad Aadan Tiiceey waxa uu Mar Madaxwayne ka soo noqday Maamulkii Ximin iyo Xeeb ee Cadaado oo markii dambe ka mid noqday Maamulka Galmudug, Waxaana isaga iyo Afwayne loo haystaa Dambiyo la xiriira Burcad Badeednimo.

Dowladda Somalia ayaa marar badan la waydiistay inay faragaliso arrintan oo ay kala hadasho Dowladda Belgium, balse ma jirin wax isku day ah oo ay Dowladdu ku faragalisay Kiisaska loo haysto Maxaabiistan Soomaalida ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.