AMISOM Oo Sheegtay In Al-shabaab Ka Saarayaan Meelaha Ay Dalka Ka Joogaan

0

Madaxa howlgallada AMISOM Francisco Madeira oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan howlgallada AMISOM iyo waxyaabaha kaga aadan dagaallada ay dowladda Federaalka ku dooneyso iney dalka kaga saarto Al-shabaab.

Francisco, wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay kaalin xooggan ka qaadanayaan howlgallada iyo dagaallada Al-shabaab, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in gacanta ay kusoo dhigi doonaan deegaanno badan oo ay Al-shabaab maamulaan.

“Waxaan leenahay Hal cadow oo ah Al-shabaab, sidaa darteed waxaa waajib nagu ah inaan xoogeena isku geynno si aan u wajahno Al-shabaab, innaga oo isticmaaleyna Hal ciidan oo awood leh oo wajahaya, muwaadin kasta wuxuu leeyahay door uu arrintaan ka ciyaaro, taasi oo la rabo in xaqiiyo in Soomaaliya ka nabad qabto argagaxisada, waxa amuhiim ah in muwaadiniin Soomaaliyeed ciyaaraan door wanaagsan maxaa yeelay ciidamada oo kaliya Al-shabaab kama saari karaan deegaannada haddii aysan bulshada soo gudbin xogta ku saabsan Al-shabaab una soo gudbin hay’adaha ammaanka”

Madeira ayaa xusay in ciidamada AMISOM iyo sidoo kale kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay ula wareegi lahaayeen deegaanno badan oo Al-shabaab dalka ka maamulaan.

“Waxaa qasab ah inaan si wadajir ah u shaqeynno, si aan u guul dareysiinno oo aan uga adkaanno, waxaan shacabka Soomaaliyeed ee rayidka ah iney taageeraan tilaabadan, oo ay soo gudbiyaan cid walbo oo ay ka shakisan yihiin iyo dhaq dhaqaaq walbo oo ay ka shakiyaan, AMISOM oo kaalmo ka heleysa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya waxay ciyaari karaan door muhiim ah oo ah iney ammaankiina sugaan haddii idinkana aad taageertaan oo aad cambaareysaan falalka argagaxisada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorsheyaal ay ku dooneyso in Al-shabaab ay kala wareegto meelaha ay hadda dalka ka maamulaan, kuna qaaddo dagaallo xooggan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.