Hoggaamiyaha Kooxda Daacishta Somalia Oo Ka Badbaaday Duqeyntii Mareykanka

0

Sheekh C/qaadir Muumin oo Madax ka ah Kooxda Daacish-ta Geeska Afrika ayaa la sheegay inuu ka badbaaday Weerarkii ay Diyaaradaha Maraykanka jimcihii la soo dhaafay la beegsadeen Dooxadda BUQA oo 160-KM dhanka Bari kaga toosan magaalladda Bosaaso ee Gobalka W/bari ee Somalia.

Duqeyntaasi oo ah tii ugu horreysay ee ay Maraykanka la beegsadaan Maleeshiyadda Kooxda Daacish-ta Somalia ayaa la xaqiijiyey inuu ka badbaaday Sheekh C/qaadir Muumin oo ah Muwaadin haysta Dhalsahadda dalka UK, waxaase duqeyntaasi lagu dilay dhowr qof, sida ay xaqiijiyeen Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM.

Warar Loo-qaateen ah ayaa sheegayo in Duqeyntaasi lala maaganaa 2 Dagaalyahan oo Ajaaniib oo mid ka mid ah u dhashay Sudan, kuwaasi oo ku sugnaa Deegaanka la duqeeyey.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Duqeyntaasi lala maaganaa  Hoggaamiyaha Daacish-ta Geeska Afrika, Sheekh C/qaadir Muumin, balse uu ka badbaaday Duqeyntaasi.

C/weli Gaas waxa kale oo uu tilmaamay inaysan Maraykanka la wadaagin Maamulkiisa dhinaca Sirdoonka, balse ay Duqeynta geysteen iyagoo Xog ka helay Hay’adda Sirdoonka ee ku sugan Gobalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Milliteriga Maraykanka waxay horey u sheegeen inay DFS la wadaageen xogta labadii weerar ee Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Dooxadda BUQA ee duleedka Degmadda Qandala.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.