Akhriso:- Magacyada Afar Nin Oo Al-Shabaab Ay Ku Toogteen Fagaare Ku Yaalla Bu’aale

0

Wararka ay HornAfrik ka heleyso Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab Maanta halkaasi ay Xukun toogasho ah ku fuliyeen Afar Nin oo laga kala keenay qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka.

Fagaare ku yaalla Degmadaas ayay Al-Shabaab isugu keeneen Shacabka Magaalada iyo Afarta Nin oo ay ku eedeeyeen in ay la Shaqeynayeen Ciidamada Itoobiya, iyaga oo isla Goobta ku toogtay.

War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in Afartan Nin ay qirteen dembiga lagu soo oogay kuwaas oo Magacyadooda kala yihiin:-

1: Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas

2:  Cumar Cadar Cumar 

3: Maxamed Aba Mayoow

4: Mustaf Macalim Xasan

Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale tiro ka dhowr jeer waxa ay fal toogasho ah ku fuliyeen dad isugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo ay ku eedeeyaan in ay xiriir leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Mana Jiro Garsoor Cadaalad ah oo ay helaan Dadka ay Xukunadda ku fuliyaan Alshabaab,  Iyagoona ku soo koobo inay qirteen Dambiga lagu soo eedeeyay, Mana la arko iyagoo wax qiranaya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.