Saldhig ay Daacish ku lahaayeen Somalia Oo La Duqeeyay.

0

Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in  xalay gantaalo lagu garaacay deegaanka Buqa oo saldhigyo ay ku leeyihiin ururka Daacish ee Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa la sheegay in loo malaynayo in lala beegsaday hogaamiyaha ururka la magac baxay Daacishta Soomaaliya, Sheekh Cabdiqaadir Muumin,

Deegaanka la duqeeyay ayaa ugu yaraan lixdan km u jira degmada Qandala oo hore ururka Daacishta Soomaaliya ay maalmo u haysteen.

Mas’uuliyiinta gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in la maqlay illa lix gantaal oo xalay lagu garaacay  deegaankaas lama oga qasaaraha ka dhashay duqeyntan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen guuxa diyaarado kuwaasoo loo malaynayo in ay duqeyntan geysteen.hase yeeshee ma jirto Illaa hadda cid sheegatay inay ka dambeysay duqeyntan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.