Dowlada Maraykanka oo beenisay inay dhaqaalaha ka jarayso Soomaaliya
Wasaarada Arrimaha Dibbada dowlada Maraykanka ayaa beenisay in ay joojineyso dhaqaalaha ay siiso ciidamada milatariga Soomaaliya kadib markii dhowaan saxaafada ay baahisay warar arrintaas ku saabsan.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu beeniyay warkaas waxaana lagu yiri qoraalkaas;
“Wararka sheegaya in dowladda Mareykanka ay joojineyso dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, taasoo lala xiriiriyay in saraakiil Soomaali ah ay fududeeyeen qaraxyadii Muqdisho – waa kuwo aan sax aheyn”.
Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadeyso taageerada ay ku bixiso ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada iyo dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka Al-Shabaab.
“Dowladda Mareykanka waxey mudnaanta siisaa daah furnaanta iyo la xisaabtanka Soomaaliya, taasoo ka turjumeysa mid ka mid ah waxyaabihii uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday markii uu xafiiska la wareegayay horaantii sanadkan.’ayaa lagu yiri qoraalkan.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “dowladda Mareykanka waxey horey dowladda Soomaaliya ugala hadashay shuruudaha ku xiran kaalmada dhinaca ammaanka ee uu Mareykanka bixiyo, waxaana ka mid ah inaan si dhow ula soconno halka lagu bixiyo taageeradeenna.”