Dhageyso:-Xildhibaanada Koonfur Galbeed”Shariif Xasan Goordhow Shacabka Ayuu Ka Mid Noqon Doonaa”

0

In ka badan 91 Xildhibaan oo kulan ku yeeshay  Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegeen in ay xilka ka qaadayaan madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanadaan ayaa waxa ay sheegeen in dhamaantood ay saxiixeen mooshinka xilka looga qaadayo Shariif Xasan Sheekh Aadan isla markaana Maalmaha soo socda uu ka mid noqon doono Shacabka Soomaaliyeed sida ay hadalka u dhigeen.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Muqdisho uga qeyb galayo shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo dowladda Dhexe uga socda welina kama uusan hadlin mooshinkaas la sheegay in xilka looga qaadayo.

https://www.youtube.com/watch?v=hKyW

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.