Golaha Amniga Qaranka Oo Ansixiyey Qorshaha Difaaca Qaranka

0

Golaha amniga qaranka oo shirkoodii Labaad maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay meelmariyeen qorshaha difaaca qaranka.

Shirkaan oo arrimo badan looga hadlay waxaa shir guddoominayey madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, taliyeyaasha ciidamada iyo madaxda maamul goboleedyada.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in shirka sidoo kale ay isku raaceen dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada in si wadajir ah loola dagaallamo Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale shirkaan ayaa lagu ansixiyey Guddiga isku dhafka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ka kooban xubo ka kala yimid Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Qorshaha difaaca qaran ee ay maantu anisixyeen golaha amniga qaranka ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda difaaca xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda abaabul dagaal oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.