Warbixin: Caqabado Cusub Oo Ku Hor Gudban War-Murtiyeed Ka Soo Bixi Lahaa Shirka Muqdisho.

0

Sida la qorsheynayo, gelinka damba ee Maanta illaa Berri Subax ayaa la filayaa in la soo gebagebeeyo Shirka Madaxda DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda maalmahan uga socday Xarunta Villa Somalia.

Shrkaasi oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda qeybta ka ah Federalka dalka ayaa waxay si gaar ah u gorfeeyeen Ajendayaal ay ka mid yihiin Ammaanka, Dastuurka, Federaalka, Doorashadda soo socota iyo Qeybsiga Kheyraadka.

Ilo ku dhow Shirka ayaa sheegayo inay Madaxda labada dhinac isku aragti ka noqdeen Arrimaha Amniga iyo Dagaalka Alshabaab, balse waxaa jiro Ajendayaal kale oo ay ku kala Aragti duwan yihiin.

Qoddobka Dastuurka, Xiriirka Labada dhinac, Muranka ka dhashay Khilaafka Khaliijka iyo Istaraatijiyadda Ammaanka iyo Isku-dhafka Ciiddamadda ayaa la sheegay inaan weli Is-faham laga gaarin.

Waxa kale oo uu Buuq ka jiraa Qorshaha ay Madaxda 5-ta Maamul-gobaleed ku doonayaan in lagu dhiso Guddiyo cusub oo dhinaca Dastuurka, balse Madaxweynaha DFS ayaa ka biyo diidsan Hindisahaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu ku dhegan yahay in Guddiyadda Dastuurka iyo Amniga ee Labada Gole ee BFS loo madax bannaaneeyo Arrimaha Dib-u-eegista iyo Dhamaystirka Dastuurka Qaranka.

Xubno ku dhow Shirka Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ayaa sheegay inay Labada dhinac isku khilaafsan yihiin Qaabka Qoraalka War-murtiyeedka ee ay sida wadajirka u soo saari doonaan.

Madaxda Maamul-Gobaleedyadda waxay Go’aan Muqadas ah u arkaan in War-murtiyeedka  Kama Dambaysta lagu muujiyey magaca Golaha Iskaashiga Dowlad-gobaleedyadda ee ay bishii hore ku soo dhidbeen magaalladda Kismaayo.

Dowladda Federalka ayaa mabda ahaan diidan inay aqoonsato Golahaasi, waxayna u aragtaa mid Rimay Gacmeed ah oo aan meelna kaga qornayn Axdi-Qarameedka KMG ee Qaranka, , isla markaana aan lagu dhisin Talo lagu mideysan yahay.

Waxaana laga yaabaa Madaxda Maamul-gobaleedyadda inaysan ku wada qancin War-murtiyeedka Shirkaasi ka soo baxi doona, haddii aan lagu muujinin magaca Golaha Iskaashiga Maamul-gobaleedyadda.

HornAfrik ayaa ogaatay in Guddoomiyaha Golahaasi, ahna Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas uu ku dhawaaqi doono marka uu soo baxo War-murtiteedka  inay DFS marin habaabisay Ujeedada Shirkaasi iyo inay saluugsan yihiin  natiijadda Shirkaasi..

Si kastaba ha ahaatee, Kulamadda Labada dhinac ayaan laga filan Karin Isbedel Siyaasadeed oo horseedi kara inay isku soo dhawaadaan iyo inay mideeyaan Iskaashiga Guud ee Danaha Qaranka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.