Sheekh Fanax “La Igama Qaadin Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee K/galbeed”

0

Sheekh Axmed C/laahi Fanax, guddoomiyaha maxkamadda sare ee K/galbeed, shalayna ay golaha garsoorka ee maamulkaasi sheegeen in xilka ay ka qaadeen ayaa sheegay in arrintaasi sharci darro ay tahay.

Wuxuu tilmaamay in maalmihii ugu dambeeyay ay socdeen dacaayad ku aadan in isaga xilka laga qaaday, wuxuuna sheegay in sababihii Baydhabo uu uga soo tagay ay ahayd weerar isaga lagu qaaday.

Golaha adeegga Garsoorka ayuu sheegay in aanay xaq u lahayn in isaga ay xilka ka qaadaan.

Dhanka kale, waxaynu wax ka weydiinnay sababta ku kalliftay inuu shaqadii maxkamadda sare u soo wareejiyo degmada Afgooye, wuxuuna tilmaamay in Baydhabo uu ku shaqeyn waayey oo saraakiil iyo ciidamo ay weerar ku soo qaadeen, xaqna uu u leeyahay in howlaha maxkamadda u raro deegaan walbo oo K/galbeed ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.