Akhriso Cadaymo Sanbaloolshe iyo Saadaq Joon oo Dhacay Lacagtii Ciidanka NISA iyo Saadaq oo Baxsaday.

0

Taliyihii Nabadsugidda Gobalka Banaadir, Saadaq Joon oo intii uusan dhicin Qarixii Naasahablood 2 ka doonay Eeyaha Qaraxyadda uriya Magaaladda Nairobi ayaa la xaqiijiyay inuu baxsaday.

Saadaq Joon
Darawalkii Hore ee San

Saadaq Joon ayaa qaatay Lacag dhan $150,000 (Boqol iyo Konton Kun Doolar), taasoo uu sheegay inuu ku soo iibinayo Tirro Eeyo ah oo u tababaran inay uriyaan Qaraxyadda ayaa markii laga qaaday Xilka Agaasimaha Nabadsugidda, C/laahi Sanbaloolshe oo ay saaxib isku dhow ahaayeen, una magacaabay Xilkaasi waxa uu joojiyay Qandaraas uu kula galay Shirkad Kenyan ah inay u diyaariso Eeyahaasi, isagoona ka guuray Hoteelkii uu ka daganaa Nairobi, Waxaana Saraakiil ka tirsan NISA ay u xaqiijiyeen HornAfrik inuu dansaday Taleefoonkiisii Nairobi.

Sanbaloolshe ayaa la rumaysan yahay inuu wax ka ogyahay in Saadaq Joon uu baxsado, Waxaana uu doonayaa in Lacago kale oo uu isagu kala baxay Qasnadda Nabadsugidda inuu ku eedeeyo Taliyihiisii Gobalka Banaadir oo goostay.

Fariin Sanbaloolshe

Fariin Qoraaleed loo soo dusiyay HornAfrik oo uu Sanbaloolshe u diray Taliyiha Hogaanka Maaliyadda NISA ayuu kaga dalbaday inuu Lacag dhan $170,000 ugu shubo Akoonkiisa, una sheego Ciidanka inaan wali la helin Mushaaraadkii.

HornAfrik waxay kaloo ogaatay in Hub u badnaa Bastoolado iyo Qoryo fudud oo ku jira Kaydka Hubka NISA inuu Sanbaloolshe waxna u qaybiyay Dad Shacab ah, qaarna uu rartay, lama oga halka uu geeyay. Waxaana Hubkan loogu talagalay in lagu suggo Amniga Dalka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.